Axmed Madoobe ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan Go’aankii Homaayiyaasha Madasha Qaran ay ku fasexeen qaar ka mid ah Xildhibaanadii horey loo laalay halka kuwa kalana y Madasha mar kale dib u celiyeen.
Mr Axmed Madoobe ayaa nasiib daro ku tilmaamay in dambiga la qeybsanayo, waxa uuna sheegay in Kuraastii horey loo soo celiyay qaar la fasaxay qaar kalana min hal loogu qeybiyay maamulada.
”Waligey ma arkin dambi dad wada galay oo laka laqeybsanayo, waa arin lala yaabo in la yirahado qolo hebel waa fasax ah qolo hebelna halagu dhago, go’aankan maahan mid ay qaadaneyso Maamulka Jubbaland ” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isagu ka maqnaa shirkii Hogaamiyaasha Madasha Wadatshiga Qaran ee Muqdisho ku yeesheen, waxa uuna noqday Hogaamiyihii ugu horeeyay ee Madasha katirsan ee kasoo horjeesta qodobada qaar ee kasoo baxay Shirkii Madasha.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay