X

Axmed Madoobe oo isku diyaarinaya inuu weeraro Beledxaawo

Horjoogaha is doortey ee Kiiniya Kismaayo ku hayso ayaa isku diyaarinaya inuu weeraro Ku qaado Beledxaawo oo dawladu gacanta Ku hayso. Axmed Madoobe oo dhiirigelin ka helay Maraykanka ayaa Kiiniya siisay hubkii ugu badnaa.


Tamarta Axmed Madoobe waa la ogyahay waa tii hogaamiye kooxeedka haddase wuxuu dabada ku hayaa hubkii Kiiniya waase la arki doone inuu weerar qaado iyo in kale ayuu yiri Cali Calasow.

Dhawaan ayay ahayd markii Maraykanku u gacan haadiyay mucaarad ku sheega ayadoo uu ka hadlay ciidanka dawladu gaysay gobolka Gedo.


Nidaamka gaaladu dhigatey ee federaal ayaa u ogolaanaya meel ay ka soo galaan siyaasada Somaliya ee ay xuurtada ku haystaan.

Banaanbqx Ka dhacay Beledxaawo

Ciidamada dawlada ee jooga Beledxaawo ayaa awood u leh inay hadda xiraan xuduuda Kiiniya halka Kiiniya awal xiri jirtey.


Masuuliyiinta gobolka Gedo ee ka qayb galay banaanbxx balaaran ayaa sheegay in farogelinta Maraykanku ay abuurayso xaalad isku dhac oo Somalida xilligan u baahneyn. Cid aan gorgotan uga nahay difaaca dalka ma jirto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.