X

Dayib Erduqaan oo diidey inuu ka baxo Siiriya: waan u cawdey xagjir Taram

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa diidey inuu ka baxo Siiriya qaasatan gobolka Idlib ee argagixisada uu taageero ay ka buuxaan. Erduqaan ayaa u hanjabay Siiriya oo uu joogo dhulkeeda sheegayna inuu weerari doono bishan aakhirkeeda.


Dhinaca kale wuxuu sheegay inuu ku hungoobey inuu xagjir Taram oo ay saaxibo yihiin ka dhaadhiciyo inuu ka gado ama la soo gaaro gantaalaha lidka diyaaradaha oo uu rabo inuu kula dagaalamo Siiriya ama Ruushka.

”Waan ka waayay Taram taageero waxayna u egtahay inaan isku tashano ayuu yiri Erduqaan. Siiriya ayaa rabta inay dalkeeda ka xoreyso argagixisada waxase cajiiba in Erduqaan leeyahay marti ma nihin.


Waxase la sugaa halka ay ku dambeyso hanjabaada iyo weerarka uu ugu hanjabayo Siiriya oo ka soo kabanaysa burbur uu qayb ahaa asagoo taageera kooxda la baxdey ”ciidanka xorta ah ee Siiriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.