X

Muuse Biixi oo lagu qasbey inuu qabto doorashada maamulka

Kadib markii uu la kulmey madaxa midowga Yurub u qaabilsan arimaha Somaliya ayaa Muuse Biixi runta loogu sheegay haddii aanu qaban doorashada kursiga laga tuuri doono isna ka masuul ahaan doono wixii dhaca.


Hanjabaadaas kadib ayaa Muuse Biixi oo gudahana taageeradiisu taxadka taalo uu degdeg u codsaday inuu arko gudoomiyaha xisbiga Wadani iyo Faysal Waraabe.

Kulanka kadib ayaa Muuse Biixi u sheegay wixii shalay uu diidanaa inuu hadda ogolyahay oo ah.


In doorashadu dhacdo sanadkan oo weliba ay qabtaan guddigii hore u fashilmey iyo ugu dambeyn inuu joojiyo xisbiyada cusub ee uu furayo.


“Keliya waxay u baahan tahay in Gaal yimaado oo hanjabaad bixiyo ayna diidi karin. Waxa aqbalaadaas keena horjoogeyaasha aan ku fadhiyin aqlabiyad shacab sida Muuse Biixi oo kale ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.