X

Axmed Madoobe oo isku diyaarinaya shirka uu ku baaqay ee maamulada Koofurta dalka

Axmed Madoobe ayaa isku diyaarinaya shirka uu ku baaqay ee maamulada Koofurta dalka. Kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha Xukuumada ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn iyo labada Madaxweyne ku xigeen.



Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha warbixin ka siiyay safarkii dhawaan uu ku tagay gobolka Gedo iyo waxyabahii usoo qabsoomay.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha golahu ay u diyaar garoobaan sidii shirkaas oo si habsami leh ugu qabsoomi lahaa isla markana wuxuu dadweynaha ka codsaday in ay nabgalyada adkeeyaan.



Waxaa xubnahu ay isku raaceen in loo diyaar garoobo qabsoomida shirka iyadoo martida ka qayb galaysa Shirka Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada dhexe loo sameeyay gudiyo hawshan qaban qaabiya isla markana dardar galin doona hawlaha shirka.

 



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.