Giriiga ayaa dib u soo celiyay qaxootiga nolol raadiska ah ee ka soo gudba xadka dalku la leeyahay Turkiga. Giriiga ayaa tilmaamay 5 wadan oo iska dhiibi kara Turkiga iyo sababaha ay isaga dhiibayaan halkaas.
”Wadamada Somaliya, Afqaanistaan, Siiriya, Bakistaan iyo Bangladesh waxay iska dhiibi karaan Turkiga waayo lafahooda khatar kuma jiraan, waxayna isku diin yihiin Turkiga ama siyaasad wadaan Turkiga ayuu yiri asuul u hadlay Giriga.
Giriiga yaa qaba in xerooyinka loo sameeyay soogalootiga ee ka dhisan jasiiradaha Giriga in hadda ay buux dhaafen dhawaana dadkii deegaanku la wareegi doonaan.
Ma sii ahaan doonaan xero qaxooti waayo waxaan fureynaa dalxiiska ayuu yiri masuulka u hadlay qaybta soo galootiga. Dhawaan ayaa reer yurub bixiyeen lacago dheeraada oo lagu balaadhinayo xerooyinka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS