08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Axmed Madoobe oo qaadacay shir lagu sheegay madasha oo Muqdisho ka socda

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii labaad ka baaqsaday shir lagu sheegay Madasha Qaran oo ka socda magaalada Muqudisho.

Madaxweynaha Jubba ayaa ka maqan shirka xasaasiga ah ee madasha oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho, isagoo aan cidna u soo dirsan. Wuxuuna howl maalmeedkiisa caadiga ahaa ka wataa magaalada Kismaayo.

Xogta laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegeysa in Axmed Madoobe uu qaadacay shirarka Madasha isagoo ku dooday inaysan jirin wax ku xiran isaga oo howshiisii uu soo dhameystiray, isla markaana aanu diyaar u ahayn inuu kasii qeyb galo shirar natiijo la’aan iyo is heysad joogto ah ku socda.

Axmed Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada maamulkiisa oo intiisa badan looga hadlay dagaalka kasocda duleedka magaalada Kismaayo ee u dhaxeeya Alshabaab iyo ciidamada Jubba, kadib markii Alshabaab ay dhaceen geel gaaraya 2500.

Maamulka Jubba Land ayaa ugu baaqay shacabka iney la dagaalamaan iskana dhiciyaan argagixisada dhiiga muslimiinta banaysatey ee shabaab.

Madoobe-3[1]

madoobe-1 madoobe-2 madoobe-3 madoobe-4 madoobe-5

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS