X

Axmed Madoobe oo xaqirey dadkii Kismaayo magacaabayna nin reer Butlaana

Horjoogaha Kiiniya Kismaayo ku hayso ee Axmed Madoobe ayaa gudoomiye u magacaabay nin reer Butlaana asagoo xaqirey dadkii asalka ahaa ee reer Jubba.


Cumar C/llaahi Faraweyne ayaa ahaan jirey taliyihii ciidanka ee aaga gobolka Sanaag maamulkkii C/welli Gaas iyo weliba gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal. ”Xaqiraadan wax cusub maaha intii Kiiniya keensatay horjoogahan ayuu yiri Cali Calasow.


”Axmed Madoobe wuxuu Kismaayo ku dhex toogtaa dadka aan ahayn Ogaadeenka iyo Majeerteenka ayuu raaciyay Cali Calasow marka la yaab maaha magacaabistan.


Kiiniya ayaa diidey inay ka baxdo Kismaayo haddana guusha badda awgeed ayay isku dayi doontaa inay ku dhegto gobolka. ”Iyada waxa ugu daran inuu madaxweynaha hadda soo noqdo ayuu qabaa Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.