X

Sacuudiga oo xasuuqaya Yaman iyo Carab kale oo xiriirka u jaray Lubnaan

Lubnaan oo ku jirta xaalad xun oo dhaqaale ayaa waxa xiriirka u jaray wadamo uu Sacuudigu ugu horeeyo iyo Carab aan lagu ogeyn inay ku daba faylaan Sacuudiga. ”Waxaan amarnay in danjiraha Lubnaan dalka uga baxaan muddo 48 gudahooda ah aya lagu yiri qoraal ka soo baxay Sacuudiga.


Kuwayd iyo Baxrayn ayaa iyaguna sheegay iany xiriirkii u jareen Lubnaan. Haddaba maxaa keenay isdiidka u dambeeyay ee u dhexeeya Lubnaan iyo Carabta kale.

Wasiirka warfaafinta ee Lubnaan ayaa sanadkii hore u sheegay telefishanka ay Carabtu ka gubato ee Aljasiira in Sacuudigu ku fashilmay inuu Yaman qabsado ama Xuutiyiinta ka saaro dalka.


”Imisaan ku jiraynaa xasuuqa dalka Yaman ka socda masaajidii, xabaalihii, aroosyadii meel aan la duqayn ma jirto ayuu yiri wasiirka warfaafinta sanadkii hore.


”Wasiirka runta ayuu sheegay wahaabiyada Sacuudiga waa iska celin wayday Yaman waxana u dagaalamaya Maraykanka, Yuhuuda iyo Ingiriiska ayuu yiri Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.