X

Kiiniya oo ku biirtey wadamada deynta la ciir-ciiraya

Bangiga horumarinta Afrika ayaa daboolka ka qaaday in dhowr wadan oo ku yaal bariga Afrika ay la ciir-ciirayaan deyn haatana ku dhow yihiin in laga soo daro wadada loo yaraynayo deynta.


Bangiga ayaa sheegay in Kiiniya ku dhowdahay inay iska bixin waydo deymaha lagu leeyahay isla markaana ay muhiim tahay in hadda wadada deyn bixinta lagu rido.

Wadamada deynta la ciir-ciiraya hadda waxa ku jira Somaliya oo burbur ku dhacay 30 sanno kahor laakiin hadda dawlada jirtaa ku guulaysatay in lagu rido wadada dheer ee deyn cafinta.


Wadamada iyagu cafinaya deynta ay ku leeyihiin Somaliya ayaa hoosta ka raba in loogu bedelo heshiis dan ugu jirta oo ay ku guranayaan kheyraadka dalka ayuu yiri Xuseen Warsame.


Warka ah in Kiiniya la ciir-ciirayso deyn ayay dhirbaaxo ku tahay inay qaado dagaal ama khalkhal geliso Somaliya, weyse isku dayi doontaa ayuu qabaa Cali Calasow haddase waa wadan ku dhow inuu kaco.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.