X

Ayadoo ciidankii Somali galbeed uu gaaray Axmaarada muhiimad intee leeg ayay u leedahay Somalida

Waxa dhawaan ciidan uu leeyahay Somali galbeed oo ka tirsan ciidanka dawlada dhexe ee Itoobiya loo qaaday aaga Tigreega oo taageero caalamiya ka helaya Marayanka iyo reer galbeedka.

Ciidankan ayaa gaaray deegaanka Axmaarada halkaas oo ay kala kulmeen soo dhaweyn balaaran. Ujeedadu maaha in Itoobiya ciidan la’aan ku dhacday oo Somalida loo baahday, waxayse muujinaysaa in hal-meel looga soo wada jeedo tacadiyadii Tigreegu ka gaystey dhamaan Jamhuuriyada iyo Somali galbeed gaar haan.


”Waxa jiri jirey dad la waayi jirey meesha la geeyay waxana gobolka Somali galbeed ahaa xero milatari oo sidii uu rabo uu Tigreegu ugu xaaro, kufsiga iyo dilka ayaa caadi ahaa ayuu yiri Xalane Mahdi.

Inkastoo ciidanka Itoobiya ee hadda joogaa ku filan yahay baacsiga Tigreega oo ay welli harsan yihiin madaxdii tacadiga gaysatey, haddana inay ka qayb galaan Somalidu dagaalka waa u muhiim laba shay marka la eego.


Waa ta koowaad dawlada Cabi Axmed inkastoo ayna Muslim ahayn hadda Cabi Axmed waa nin Oromo ah oo ay dhici karto cadaadiskii Axmaarada iyo Tigreega awgeed inuu diinta u bedeshay, waana dhaqan ay samayn jirey Oromo badan oo Muslima. Waa ta labaad marna ma dhacayso in Oromo ku soo jeedsado walaalahood Somali ee la wada gumeystay.


” Markaa waa muhiim in Itoobiya ay ahaato dawlad Oromo ka taliso ama qabiilka Kushitiga ee Somalidu ka mid tahay ama aakhirkaba Somali ka taliso ayuu raaciyay Xalane Mahdi. Cid ka horjoogtana majirto in Somali xukumo Itoobiya.

Maanta cadow ka mida cadowyadii soo jireenka ahaa ayaan sii baacsanaynaa ayuu yiri Xuseen Warsame oo deegaankoodii joognaa. Taasaaba guula haddaynaan xitaa dagaalamin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.