X

Raiisal wasaaraha oo u digey Axmed Madoobe iyo Kiiniyaatiga jooga Kismaayo

Raiisal wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa digniin adag u direy Axmed Madoobe iyo Kiiniyaatiga ku haya Kismaayo.  Wasiirka Koowaad oo ka hadlayaayay doorashada iyo magacaabista hawlwadeenada ayaa digniintan direy.


”Waxa i soo gaaraya in musharixiin laga soo celiyay garoomada dalka, waxaan farayaa hay’adaha amniga iyo kuwa sirdoonka inay hubiyaan inayna arintaasi dhicin ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

”Waxaan maqlayay in musharixiin laga soo celiyay Kismaayo waxaan ka digayaa in arintaasi mar dambe dhacdo, waxaanan ka qaadayaa talaabo adag haddii ay markale timaado, waxaanan codsanayaa in la ii soo sheego haddii diyaarad dambe laga soo celiyo Kismaayo ama mid laga soo celiyo garoon kale ayuu raaciyay Maxamed Xuseen Rooble.


Dhawaan ayaa Kiiniya ka soo celisay garoonka Kismaayo diyaarad sitey musharax ka mida xildhibaanada gobolada Jubooyinka. Dhinaca kale wasiirka koowaad ayaa sheegay inuu ka hadda sugayo horjooge Axmed Madoobe inuu soo saaro liistada gudiga doorashada ee gobolka GEDO.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.