Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Ayadoo lagu gudo jiro xajka sidey ahayd soo dhaweyntii xujaajta ee magaalada Jidda

Jidda waxay ahayd weligeedba albaabka laga galo xaramka Makka iyo Madiina. Waxay ahayd magaalo xeebeed aan deked lahayn. Dadka magaalada degan ayaa lagu bartey soo dhaweyn aan loo kala harin oo ay u fidiyaan dadka xajka imaanaya.

Inkastoo dadka xajka imaanaya ay ahaayeen dad aad u yar 30-aadkii iyo wixii ka horeeyayba haddana waxa hoy siin jirey dadka reer Jidda.



”Waxaanu ku tagney markab aan ka raacnay Cadan sanadii 1929-kii ayuu igu yiri awoowgey sanadkii 1975 aniga oo markaa wiil dhalinyaro ah ayuu yiri Meygaag Faarax.

Waxa markabku istaagey meel xeebta waxooga u jirta maadaama ayna deked lahayn hadii kale waa degayaa, waxana na soo daadgureeyay doonyo qori ah iyo kuwo kale oo shiraaca oo xeebta na keenay.



Waxa markiiba na qaabilay qoys reer Jidda ah oo na dejiyay gurigooda qayta hoose xagga iyaguna deganayeen xagga sare ee guriga oo fooq ahaa. Xilligaa ninka fooq haysta wuxuu ahaa qof magaalada laga yaqaano waayo wuxuu soo dhaweyn karaa dad farabadan. Joogitaanka Jidda wuxuu inta badan ahaa laba maalin ilaa sadex ugu badnaan.

Ma jirin dawlad Sacuudi Careebiya la yiraa xilligaa laakiin waxa jirey maamulo hoostaga dawladii Cusmaaniyiinta ee Turkiga hadda ka dhisneyd. ”Markaan tagney guriga waxa gabaabsi naga ahaa cuntada iyo biyaha, waxaanan lacag u dhiibanay dadka aan martida u nahay si ay noogu soo iibiyaan cunto aan safarka la raacno ayuu ii sheegay.



”Inta badan safarka lagu tagayaa Makka wuxuu ahaa awr sii socda hal maalin. Awrkaas ama labada awr waxay jiidayaan alaabta iyo dadka oo ay ku jiraan haweenku. Haweenku waxay fadhiisan jireen qaybta dambe ee rarka.

Markaa Jidda iyo dadkeedu waxay ahaayeen dad barakaysan oo soo dhaweyn fiican. Ilaa hadda Jidda waxay kaga duwan tahay Sacuudiga intiisa kale, waa magaalo aanad ku arkayn waxa aad ku aragto WAHAABIYADA Sacuudiga intiisa kale.



Makka iyo Madiina

Markaan gaarno Makka iyo Madiina waxa iyaguna joogey dad ehlu kheyra oo guryahooda ku geyn jiray oo aad la joogeyso mudadaa xajku socdo. Waxayna kala lahaayeen magacaaan caan baxay xilligaa soo dhaweyntooda awgeed.

Waxa taariikhyahanadu sheegeen in xilligii dambe dadka xajka tagayaa ay bateen maadaama ay furmeen diyaaradaha ganacsiga iyo weliba dadka ku imaanaya maraakiibta waaweyn. Intaas wixii ka dambeeyay waxa la dhisay guryo ay xujaajtu ku hoydaan maadaama welli huteelo jirin.

Sawirka hoose waa Jidda

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...