X

Ayax hilfaha u qaaday beeraha gobolka Awdal iyo qaylo dhaan jirta

Kadib nimcada Rabi ee Ka da’aysa gobolka sadexdii sanno u dambeeyay ayaa dhulku doog iyo barwaaqo is qabsaday. Haddaba barwaaqadaa kadib waxa yimi Gobolka Awdal ayax Ku habsaday beeraha iyo doogii baxay.


Qaylo-dhaan xoogan ayaa Ka soo yeeraysa beeralayda degmada Lughaya iyo hareeraheeda oo ayaxaasi hilfaha u qaaday doogii iyo dalagii soo bixi lahaa kadib markii dadkii Ka badbaadey duufaanta wax walba dumiya Ka hartey.


Maamulka fadhiidka ah ee Muuse Biixi iyo Saylici ayaan waxba Ka ogeyn qaylada dadka Ka soo yeeraysa. Dhawaan ayay ahayd markii ayax sidan oo kale u xaalufiya beeraha gobolka Togdheer halkaas oo shalay keliya ay rasaas ula tageen halka la buufin lahaa halka uu Ku dhalayo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.