X

Haweenka Sucuudiga oo xoriyad kale dib u soo ceshaday

Haweenka Sucuudiga oo lagula dhaqmo  dhaqan aan diinta Ku salaysneyn ayaa markale helay xoriyad ay ku raaxaystaan haweenka muslimiinta intooda badan oo ay ku jiraan haweenka Somalida inkastoo gudniin lagula dhaqmo.


Haweenka Sucuudiga ayaa mudooyinkii u dambeeyay helay xoriyado ay ku jiraan inay safri karaan iyo inay dalban karaan waraaqaha gaariga kaxayna karaana ayaa hadda loo fasaxay inay maqaaxiyaha u baahneyn in la takooro oo gooni u fariistaan albaab gooniyana Ka soo galaan.


Wadaado badan oo Sucuudiga ku xiran oo Somali ah ayaa dhaqamadaas ku soo kordhiyay maqaaxiyaha Somalida ayagoo u qaba in dhaqanka Sucuudigu saxan yahay haddase ujeeda in dhaqankaas qaldan yahay.

“Ma jiri doonto haween laga sooco ragga iyo meelo u gaara haweenka oo haweenku Ka galaan maqaaxiyaha iyo dhulka la wada wadaago ayaa lagu yiri qoraal.ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha.


Waxa jirta meelo aan haba yaraatee loo ogoleyn haweenka taas ma dhici doonto sida hadda Ku cad qoraalka. Isku soo duub ujeedada ayaa ah in haweenku xor u yihiin inay galaan meeshay rabaan si dalxiis badan loo soo jiito ayaa la raaciyay warbixinta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.