X

Ayax mar kale laga digey inuu ku soo dilaacayo Somaliya

Khuburada cayayaanka ayaa sheegay in geeska Afrika halis ugu Jiro in Ayax mar labaad ku soo kaco khatarna geliya dalaga u soo go’aya beeraha bilaha sadexaad iyo Afraad ee sanadka.


” Ayaxu ugxantii uu dhintey dariiqa uu hore u maray ayaa soo kacaysa bilahaas ayay sheegeen. Haddii roobabka sanadkan lagu diirsaday ay sii socdaan taas oo ka dhigeysa barwaaqo dhulka waxa kacaysa ugxantaas ayaa la raaciyay warbixinta.


Ayaxa ayaa hadda weerar ku qaaday Bakistaan halkaas oo dawladu daawo ka dalbatey Hindiya oo ay isku xun yihiin. Geeska Afrika ayaa ku lumiyay dalag aad u farabadan AYAXII ugu darnaa ee sanadkan soo kaca.


Ayaxa ayaa inta badan kellli kelli u nool wuxuuse dhalaa marka xaaladu u fiican tahay sida roobab farabadan oo da’a iyo cilimada oo degan iyo biyaha oo la helo.

Haddii la maarayn waayo wuxuu noqonayaa masiibo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.