X

Xoogaga Khaliifa Xaftar oo duqeeyay markab Turkigu leeyahay oo hub sidey

Xoogaga Jeneraal Khaliifa Xaftar ee haysta Liibiya inteeda badan aan ka ahayn caasimadda iyo dhowr magaalo oo xeebta teedsan ayaa sheegay inay duqeeyeen markab sidey shixnad huba oo Turkigu u waday akhwaanka jooga caasimadda.


Markabkan la duqeeyay ayaa saaka ku soo xirtey dekedda caasimada oo welli gacanta ugu jira xoogaga akhwaan muslimiinta ee Dayib Erduqaan ay isku urur diimeedka yihiin.

Dayib Erduqaan ayaa xabad joojinta ay wada gaareen garabkiisa jooga caasimada iyo Jeneraal Khaliifa uga faaiideystay inuu sii hubeeyo akhwaanka boobey xukunka dalkaasi ayuu yiri afhayeen u hadley xoogaga Khaliifa.


Dayib Erduqaan ayaa lagu eedeeyay inuu u soo xadhko xirtey dhibaatada muslimiinta markii ururkii akhwaanka lagu jebiyay Siiriya haddana hadhaagii ururkaas ee Siiriya u soo wado Liibiya.

Xoogaga Khaliifa Xaftar ayaa waxa caasimada kahor jooga hubka uu Dayib Erduqaan ku daldalayo sida ay isku raaceen khuburada Liibiya taas oo soo afjari lahayd dagaal diineedka.


Xataa wasiirka arimaha dibedda ee maamulka akhwaanka ee caasimada ayaa isaguna walaac Ka muujiyay farogelinta Dayib Erduqaan ee Liibiya.

“Uma arko nabad ka talin waxa uu wado Dayib Erduqaan ee waa weji cusub oo uu rabo inuu ku qabsado kuna maamulo Liibiya ayuu yiri  Cabdulxadi Alxaweyji.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.