X

Baadhe iyo saynisyahan Somali ah oo si dabiiciya ku daaweeyay Karoona

Baadhe iyo saynisyahan Somali ah oo ku nool Kiiniya waxna ka dhiga jaamacad ku taal Kiiniya ayaa sheegay inuu soo saaray daawo looga hortagayo hargabka Karoona oo dabiiciya.


”Daawo dhaqameedka anaa soo saaray waxana kadib iga minguuriyay nin ku nool Woqooyiga Bari Kiiniya kadibna waxaan go’aansaday inaan anigu iibiyo si tayadu u lumin ayuu yidhi Prof Maxmed Xuseen Cabdulle.


Nin daawo dhaqameedkan la siiyay oo Kiiniyaati ah ayaa sheegay inuu ku bogsaday markii uu qaatay isagoo aan gelin isbitaal. Wasaarada caafimaadka Kiiniya ayaa sheegtay inayna ogeyn inay jirto daawo dhaqameed.

”Ma ogin daawo dhaqameed daawo u ah hadayse jirto aad ayaan u soo dhaweynaynaa ayuu yidhi gudoomiyaha ka hortaga cudurada faafa.

”Ilaa hadda waxaan sameeyay 500kg oo daawada ah ayuu yidhi Prof Maxamed Xuseen Cabdulle. Waxay igu qaadatey lix bilood inaan soo saaro daawadan, waxana si gaara aan uga faaiidey khibrad aan ka helay Shiinaha.


”Waxaan diyaar u ahay inaan difaacdo nooca daawo ee aan soo saaray ayuu yidhi PrOF Maxamed oo aan noqonayn qofkii ugu horeeya ee daawo dhaqameed sameeya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.