X

Walaalahayo ayaa tihiin Koofur Galbeed ku soo dhawaada Badhan: Gudoomiyaha Badhan

Gudoomiyaha degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa soo dhaweyn u sameeyay dad ganacsato ah oo Muuse Biixi ka soo dareeriyay magaalada Ceerigaabo. Ganacsatadan ayaa la sheegayaa in lala wareegay tukaamadii ay lahaayeen.


Dadkan reer Koofur galbeed ayaa hore maatidoodii looga soo dareeriyay magaalada Laascaanood. Boqolaal ka mida ayaa gaadhay Butlaan halkaas oo laga sii qaaday intooda aadka u liita.


ā€¯Waxaad joogtaan dalkiina cidina idinkama laha halkan ayuu yiri gudoomiyuhu. Waxaan ka xumahay in maamul ku sheeg sidaas idiinla dhaqmo ayuu raaciyay.


Waxgaradka iyo cuqaal gaara ayaa cambaareeyay sida wuxuushnimada ah ee dad Somaliyeed oo jooga dalkooda loola dhaqmo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.