X

Baadhitaan lagu bilaabay nin Somali ah oo fooq ka soo dhacay

Booliiska dalkaasi Malta ayaa sheegay inay raadinayaan nin Somali ah oo lagu magacaabo Axmed Cadaawe Diiriye oo sida la sheegay ahaa iskii u shaqayste aan shaqo joogta ah hayn. Axmed ayaa wax ka bartey sida loo dhejiyo qaboojiyeyaasha iyo boodhadhka qoraxda ka dhaliya korontada.


Haddase waxa la ogaaday in ninkaasi ka soo dhacay meel warshad ah oo ku rakibaayay qaboojiyeyaal iyo boodhadhkaasi qoraxda ka dhaliya korontada kadibna uu soo dhacay. Lama garan karo inuu raacay amniga fooq fuulista iyo qalabka loogu talogalay.


Axmed Cadaawe ayaa markii uu soo dhacay ayaa loola cararay isbitaalka ugu dhow laakiin nasiib daro halkii kui geeriyooday. Qolooyinka isbitaalka oo aan garanayn magaciisa ayaa ku qorey keliya X.


Halka qoyskiisu raadinaayeen laakiin isna isbitaalka yaalo ayaa booliisku baafiyay magaciisa iyo sawirkiisa markaas kadib oo isbitaalku aqoonsaday sheegeena  inuu dhintey usbuuc kahor.

Qolooyinka saxada shaqada ayaa bilaabay baaritaan lu aadan sida wax u dhaceen iyo in warshadu ayna gudanin waajibaadkeeda amni shaqo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.