Saturday, July 27th, 2024
header










Meta







Baaq taageero–odayaasha dhaqanka beesha reer Dudub (Samaroon)

btAnaga oo ah Guddiga Qurba Joogta Reer Dudub (RD) ee magacdoodu hoos ku qoran yahay, waxaan baaq taagero buuxda u diraynaa Odayaasha Dhaqanka ee Reer Dudub. Waxaan Odayaasha Dhaqanka ku taageersanahay mawqifka ay iska taageen arrimaha cakiran ee ay soo maleegeen kooxda canaasirta iyo danaystayaasha ah. Sida ay Odayaasha Dhaqanku ku cadeeyeen
hadalkooda Reer Dudub uu ka balaadhan yahay, ka karti iyo awood badan yahay in ay matalaan
koox wadata dana gaar ah, oo Hargeysa laga soo diray.

Waxaan adkaynaynaa taageerada buuxda ee ay Odayaasha Dhaqanka ee Reer Dudub siiyeen, lana
garab taagan yihiin Suldaan Abibakar Cilmi Wabar. Suldaan Wabar waa Suldaanka Jibril Yonis, waana ka Reer Dudub.

Waxaan kale oon taagersanahay mawqifka adag ee ay Odayaashu iska taagen in kooxdaasi ayna
marnaba matalin karin, kana hadli karin danaha Reer Dudub. Waxaan si buuxda u ayidsanahay in
ay Odayaasha Dhaqanka ee RD yihiin kuwa keliya ee talada Reer Dudub ka go’do, ee ka hadli
kara danaha guud ee Reer Dudub. Reer Dudub maha beel laga dhex faaiidaysan karo, laguna fulin
karo dana shaqsiyeed.

Ugu dambayn, waxaan cambaarayn iyo dhaliil adag u soo jeedinayaan kooxda canaasiirta ah ee
danaha gaarka leh, iskuna isku dayday in kala jabiyaan Beesha Reer Dudub iyo Jibril Yonis.
Waxaan ku boorinayaan Odayaasha Dhaqanka ee RD adkeeynta midnimada Reer Dudub, iyo ta
Jibril Yonis, ta Makaahil, iyo ta Samaroon.
Wa Bilahi Tawfiiq
¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬
GUDDIGA QURBA JOOGTA REER DUDUB
WOQOYIGA AMERIKA
Xassan Cilmi Araye – Gudomiye
Nuur Dahir Hanfi
Maxamad Cumar Diriye
Farax Jillal Abrar
Cali Jamac Cali
Cabdillahi Micaad Hori
Yasin Axmad Xaji Ciye

YURUBTA GALBEED

Jamal Axmad Xaji Bahdon – Gudomiye
Maxamad Muuse Kidaar
Muxyidiin Muse Cabdillahi
Mustafe Xassan Meidhane
Cumar Aw Siciid Colow
Aden Aleel Idle

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...