X

Baaritaan lagu wado ciidan ka tirsan booliiska iyo nabadsugida kadib weerarkii madaxtooyada

Wasaarada amniga ayaa bilowdey baaritaan lagu wado ciidanka booliiska iyo kan nabadsugida kadib weerarkii Jimcihii ay argagixisada Shabaab ku soo qaadey Muqdisho.



Argagixisada ayaa watey dharka ciidanka booliiska iyo kan xasilinta. Shanta argagixiso ayaa sadex wateen dharka booliiska halka labana wateen dharka xasilinta.

Saraakiishan wax laga weydiiyay weerarka argagixisada oo xitaa watey agabka isgaarsiinta ee ciidamada kuwada hadlaan  ayaa si toos ugu xirnaa talisyada booliiska gobolka Banaadir.



Saraakiishu uu ku socdo baaritaanka ee ka kala tirsan Booliska iyo Nabadsugida ayaa la weeydiiyay in ay keenaan Saxiixa dharka iyo laamaha kala duwan ay siiyeen Ciidamada iyo Magacyadooda intaba.

Baaritaankan ayaa natiijo laga sugayaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.