X

Baasaboorada wadamada Muslimiinta oo caalamka ugu horeeya uguna dambeeya

Hadaad is lahayd baasaboorada caalamka waxa ugu fiican oo dadka haystaa meelkasta ku tagi karaan bilaa dalku-gal wadamada waaweyn sida Yurub, Maraykanka iyo kuwa kale oo lagu tuhmo sumcad deganaansho laakiin markaad akhriso warbixintan waad yaabaysaa.


Wadanka ugu horeeya ee aduunka meelkasta aad ku tegi karto bilaa dalku-gal baasaboorkiisa waa Imaaraadka Carabta. Waxaad ku tegi kartaa bilaa dalku-gal 179 dal yar iyo dalweynba aduunka.


Xagga dawladaha waaweyn ayna u soo dhaweynba. Waxa soo raaca wadamada uu Jarmalku ugu horeeyo ayna ku xigaan Finlaan, Isbeyn iyo Lugsanbeeg.

Yaa ugu dambeeya


Somaliya ayaa dadkeedu bilaa dalku-gal ku tegi karaan 41 dal, waxase ka sii hooseeya wadamo qaarkood ka miisaaniyad badan sida Suuriya iyo Ciraaq halka inyar ka sareeyaan wadamo ay ku jiraan Iiraan, Bakistaan, Nayjeeriya iyo Suudaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.