X

Somalilaan oo war ka soo saartey shidaal baaris socotey bilooyinkii u dambeeyay

Maamulka Somalilaan ayaa ka warbixiyay shidaal baaris ka socotey deegaano hoostaga siiba gobolada Togdheer iyo Woqooyi galbeed. Shidaal baarista ayaa waxa waday shirkado ajaaniba oo xaruntoodu tahay Imaaraadka.


Wasiir u qaabilsan macdanta iyo shidaalka maamulka Muuse Biixi ayaa sheegay in xogtii baaristaas soo dhamaatey oo ay hadda gacanta ku hayaan. Waxa dhiman hawshi adkeyd ee ah in shidaalkaas la sheegay uu yahay mid ganacsi geli kara iyo in kale.


Ma sheegin cida ay la kaashanayaan si arintaas u fusho oo loo bilaabo tijaabinta ama la soo saarinta shidaalkaas ayuu raaciyay.

Lama oga in wasaarada macdanta iyo biyaha dawlada dhexe ee Somaliya ay ku jirto fududeynta hawsha shidaal baarista oo la’aantood ayna shirkaduhu ku soo dhiiran karin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.