X

Badhasaabka Awdal oo ku hor jeesjeesay hooyooyin cabasho ula tagey

Badhasaabka Muuse Biixi ku naas-nuujiyo Awdal ayaa ku hor jeesjeesay hooyoyon cabasho ula tagey. ”Gaadhigiisa ayuu nagu waabiyay markaan u tagney, askartuna waxay yidhaaheen meesha ka taga haddii kale jeel ayaad leedihiin ayay tiri hooyo hadashay.


Akhlaaqad xumada badhaaabka gobolka ee cusub ayaa aad durba loola yaabay ayuu yiri Xuseen Warsame. Side hooyooyin cabasho kuula yimi aad ugu jeejeesi kartaa.

Hooyooyin oo tobaneeyo ah ayaa sheegay in caruurtoodu jeelka lagu gurey ilaa haddana ayna garanayn waxa loo xidhey. Ma wax dhicin, cid ma dilin, waa caruur yaryar waa in si degdega loo sii daayaa ayay cabashadooda jku muujiyeen.


Maaha markii ugu horeysay ee magaalada Boorama dadka loo xirxiro Muuse Biixi ayadoo xataa loo sheegin waxa lagu xidhey. ”Waxa u xidhnaaneysaa shaqsi ayuu yiri nin Mursal magaciisa ku soo koobay oo isaga hore loo xidhey.

Maxamed Yuusuf

ARAABIONEWS

admin:

This website uses cookies.