Islamabad 27 Dec 2014–Bakistaan oo hadda garowsatay khatarta ay leedahay argagixisada hadana ogaatay in argagixisadu runtahay kadib markii argagixisadu xadsuuqdey ku dhawaad 130 caruura oo ku jiray dugsi ayaa amartey wadaad jooga Islamabad oo xagjira in la soo qabto. Wadaadkan ayaa caruur wax ku bara masjidka cas ee ku yaala caasimada.
Wadaadkan ayaa diidey inuu cambaareeyo xasuuqii argagixisada Taalibaan u gaysatay waxana dadku kala hortageen banaanbaxyo ay ugu sheegayaan maamulka in xagjirkan maxkamad la taago.
Raiisal wasaaraha dalkaasi oo xukunka ku yimi taageero hoose oo u qabey argagixisada ayaa hadda ka niyadjabey wuxuna sheegay shalay in Bakistaan oo inta badan ah dal fiqiira ayna noqon doonin Bakistaantii hore ee la yaqaaney.
Kooxaha xuquuqal bani aadamka ayaa mararkan oo kale naxariis u fidiya argagixisada iyagoo sheega in ficilo xun ay keeni karaan in dad masaakiina wax loo gaysto.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay