Monday, May 20th, 2024
header










Meta







War saxaafadeed: Hooyo Awdal oo maxarimtey Somaliland

DUGSIIYE[1]War saxaafadeed islamarkaana ogeysiin hordhac ah oo nagasoo gaadhey Hooyo Awdal ayaa sheegaya iney maxarimtay Somaliland oo beelaha dagan woqooyiga Somalia ku tilmaamaan iney tahay Hooyada Somaliland. War saxaafadeedka kasoo baxay Hooyo Awdal ayaa  sidan u qornaa:

Ku: Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo

Ku: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici

Ku: Gudoomiyeyaasha golayaasha “nakala-celi”, Mudane Suleymaan-Gaal iyo Mudane Cirro

Ku: Gudoomiyeyaasha Xusbiyada “waxaanu nahay Isaaq”, Cirro,Biixi iyo Faysal

Ku: Salaadiinta, Ugaasyada, Cuqaasha iyo Garaadada beelaha wada leh Somaliland

Og: Salaadiinta iyo cuqaasha reer Awdal

Og: Aqoonyahanka, indheer garadka, culimaa’udiinka reer Awdal

Og: Shicibka reer Awdal rag iyo dumar gaar ahaan dhalinta

Ujeedo: Hooyo Awdal oo maxarimeysa Somaliland

Aniga oo ah Hooyo Awdal oo la igu tilmaamo inaan ahey hooyada Somaliland, waxaan cidey khuseyso arintani ogeysiinayaa inaan maxarimay Somaliland oo igu noqotey caasi iyo qalqaali. Waxaan islamarkaa farayaa qurba jooga reer Awdal in qoraalkeygan lagu turjumo afafka wadamada reer galbeedka ee ay ku noolyihiin oo la ogeysiiyo inaan maxarimay  Somaliland.

Soomaaliyey, waan dacwiyayaa danteydana hadlayaaye iga gudooma sobobtaan u maxarimay Somaliland. Hooyo qaali sida lawada ogsoonyahay korista iyo kobcinta iyo taaba galka ilmaheeda  marxalado badan bay u martaa. Aniga oo cuskanaya marxaladaha hooyo lagu yaqaan, Somaalay ila eega marxaladaha aan u marey kobcinta, taabo galka iyo wax noqoshada Somaliland-ta la igu tilmaamo inaan hooyo u ahey. Soomaaley dhuuxa oo garta waxaan u maxarimey Somaliland oo caasi igu noqotey, yeelana weydey damiirkii hooyo ay xaqeeda ku siin laheyd.

Kow – Waa xaqiiqo iney hooyo ilmaheeda sida ugu haboon u koriso una kobciso uguna samirto. Hooyada Somaliland hadii la igu timaamey, sida ugu qurux baden ayaan u koriyey oon u kobciyay aniga oo u qadey dhib walbana dusha u ritey una samrey intey Somaliland taabo qaadeysey. Weyna ka muuqataa maanta Somaliland quruxda aan u koriyay.

Laba – ka dib markuu taabo qaado ilmaheedu, dhaqaale ku filana helo, wey naawishaa hooyo wax tar iyo xaqeedii oo ka yimaada ilmaheeda, waxay ilmaheeda ka dhowrtaa xaqii hooyo laheyd. Hadayse ka weydo garashadaa, hooyo waxay bilowdaa xasuusin ku aadan sida hooyo usoo eegeyso una naawileyso kaalmo iyo xaqii ay laheyd.

Samir badan dabadeed, markey Somaliland taabo qaadey ee u kobcey dhaqaalaheedu, hadii aan ahey hooyo Awdal, geed sare iyo ku gaabanba waxaan u korey helida xaq wixii aan ku lahaa Somaliland iyo waliba xaqii hooyo-nimo. Waxa ka markhaati ah oo lawada ogsoonyahay iney salaadiinteydu tageen Hargeysa oo xaqii la iga dulmey Siilaanyo hordhigeen, ilaa hadana jawaab la heyn.

Sadex – markuu ilmuhu caasi garoobo ee xaqii hooyo laheyd laga waayo, hooyo waxey bilowdaa quus yada oo wali dhowreysa ilmaheedana, marka la weydiiyo waxtarkiisa hooyo macaan waxay ku jawaabtaa;

” Waa wax mataree qushi qeyrkii ha u noolaado”

Somaliland markey dhag ii dhigi wedey aniga oo ah hooyo Awdal, waxaan ku raftey  samir dheerad ah, marka la i weydiiyana jawaabteydu wakhti walba waxey aheyd “waa waalid caasiye qushi, qeyrkeedba dowlado wey leeyihiine, qeyrkeed dowlad ha u noqoto”.

 

Markuu ilmuhu dhaafi waayo caasinimo ee uu ku daro waliba aflagaado markuu hooyo u jawaabayo, hooyo quus bey qaadhaa kama dambeyn ah, marka la weydiiyana jawaabteedu waa; ” ha igu hadal qaadin, ma rabo waanan muxarimey”

Hadii aan ahey Hooyo Awdal, samir keygii wuu dhamaadey. Kol hadii aan heli waayey xaqeygii oo waliba abaalkeygii uu noqdey aflagaado iyo cey, waxaan goostey inaan muxarimo Somaliland. Hooyo uma ihi Somaliland mana rabo in la igu hadal qaado oo dhagaheyga waan ka fureystey waanan ka maarmi karaa xaqeygana xoog ku qaadan karaa mana ogoli in la igu sheego hooyada caasiga Somaliland ee aduunweynuhu ha ogaado inaanan aheyn hooyada Somaliland.

Hadii ay rabto inaan hooyo u noqdo Somaliland sida qudha ee ay ku suura galeyso waa yada oo dib loo fadhiisto dugsigii Sheekh Cali Jowhar oo xaqeygii la ii saxeexo xaalkii hooyo la qadiyey ay la heydna Somaliland laga qaado.

Wa bilaahi towfiiq.

Waxa soo gudbiyay warsaxaafadeedkan oo hooyo Awdal usoo dirtay;

Suleyman cabdi Dugsiiye

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...