21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Banaanbax ka dhacay magaalada Badhan maxaa lagu diidan yahay

Banaanbax aad u balaadhan ayaa ka dhacay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag kadib markii shalay uu deegaan ka mida ka dhacay dagaal loo kala safety Somaliland iyo Puntland oo khasaare dhaliyay.

Dadka banaanbaxaayay ayaa ku qayliyay ma RABNO SOMALILAND. Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad



Gallan iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda deegaanka iyo beeraha Cabdirashiid Geele ayaa soo gaadhay magaalada Badhan kadibna la hadley dadka mudahaaradayey.

Waxaa kale oo Badhan iyana saaka gaadhay Taliyaha Booliska Puntland Muxiyadiin Gacamay iyo saraakiil sar sare oo ka Tirsan maamulka Puntland.



Waxa jirta xaalad kacsanaana oo ka dhalatey dagaalkii shalay casar liiqii ka dhacay deegaan dhacsan Koofurta Sanaag.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS