X

Banaanbax xoogan oo ka socda Jigjiga

Banaanbax xoogan ayaa ka socda xarunta Somali galbeed halkaas oo shacabku isugu soo baxeen sidii ay u taageeri lahaayeen hawlgalka ciidanka Itoobiya ku soo afjarayo Tigreega ay wataan reer galbeedku.



”Waxa balan noo ah haddii Tigree iyo Maraykanka wataa uu u soo dhawaado caadimada Itoobiya inaanan fadhiyin oo aan anaguna galno Addis ababa ayuu yiri Xirsi Warfaa oo ka mid ahaa dadka banaanbaxaya.

Reer galbeed ayaa dacaayad beena raba inay Itoobiya ku bedelaan xukunkeeda soona celiyaan saamayntii ay ku lahaayeen in qashinkii ay keeni jireen dalka.


Tigreega oo aan lahayn awood uu ku yimaado Addis ababa ayaa lagu garaacayaa magaalooyinka Axmaarada. ”M a dhacayso in Tigree oo 5 milyan inuu ka adkaado Axmaaro iskaba dhaaf Oromo aad qowmiyad dhana ayuu yiri Xuseen Warsame.


Shacabka Somali galbeed ayaa hadda dareensan inay qayb ka noqdaan halganka ka socda Woqooyiga Itoobiyaoo ay dabada ka riixayaan reer galbeedka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.