X

Banaanbaxyo ka dhacay Muqdisho iyo go’aano ka soo baxay gudoomiye Axmed Cawad: SAWIRO

Banaanbaxyo looga soo horjeedo soo jeedinada waqti lumiska oo ay u dambeysay mid uu qabtey gudoomiyaha barlamaanka kadib markii ay soo gudbiyeen xildhibaano hore u diidanaa madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.


Banaanbaxyada ayaa ka dhacay Muqdisho waxayna dadkii soo baxay inay aad u xun yihiinn hawlsaha dawladu qabanayso oo shaqsiyaad horjoogsadeen.


War ka soo baxay gudoomiye ku xigeen Axmed Cawad ayaa lagu sheegay sidan soo socota


In Maamulka Golaha ee uu ugu sareeyo xogheyaha Golaha uu mas’uul ka yahay howl socod siinta Go’aamadii ka horeeyay khilaafka, isla markaana uusan fulin karin G’aamo Maamul iyo maaliyadeed oo aysan ka wada tashan Xafiiska Guddoonka ka wada tashan.

2: In Xildhibaanada kala aragtiyada duwan aysan u isticmaali karin kulamadooda siyaasadeed hoolka shirarka ee Guddiyada Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

3:- In Xarunta Golaha Shacabka ay u dhaxeeyso dhamaan Xildhibaanada lagana ilaaliyo in koox aragti gaar ah wadato ay u adeegsato hanaan guddoonka Golaha isku waafaqsaneyn

4: In Maaliyadda iyo miisaaniyadda Golaha loo maareeyo hanaan leysku waafaqsan yahay kana wada tashadeen Guddoonka iyo Xafiiska Golaha.

5: In aanan aqoonsaneyn Guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda Golaha Shacbaka ee la kala diray 28 Bishii la soo dhaafay  anaga oo u soo jeedineyna Guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu guddoonku ka heshiiyo dhismaha guddi uu waqtigiisu ku egyahay maareynta miisaaniyadda Sanadka 2019 iyo xisaab xirka 2017.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.