X

Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi oo la ogaadey halka ay si toosa ula hadlaayeen

Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi ayaa la ogaadey halka ay si toosa ula hadlaayeen ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee dilku socday. Jamaal Khashowqi aya lagu dhex diley qunsuliyada Sucuudigu ku leeyahay Turkiga bishii Oktoober 2-deedii.


Turkiga ayaa dalbadey in Sucuudigu ka jawaabo su’aalo fartabadan weyna diideen inay laaluush farabadan qaataan. Dilka foosha xun ee Wahaabiyada Sucuudigu u gaysatey Jamaal Khashowqio ayaa ka qaylisiisay aduunka xorta ee aan laba wejiilaha ahayn.


Saaxiibada Maraykanka iyo Yuhuuda ee Sucuudiga ayaa taageero xoogleh u muujiay Wahaabiyada Suucuudiga ee aduunka Muslimka ah ku faafiya diinta qaldan.

Cod la dhegeystay ayaa lagu maqley in nin safiira oo lagu magacaabo Maher Cabdulaziz Mutreb uu leeyahay ”u sheeg waan dhamaynay hawsha, waxa xilligaa socota jarjarida hilibka Jamaal Khashowqi.


Lama hubo cida Maher Cabdulaziz Mutreb kula hadlayay telefoonka ee isaga ka sareeyay hawshana kula jirey. Codka dilka ayaa ugu dambeyn la maqlayaa qof naqas ku dhegsan yahay, qaylo iyo codad badan oo ka dul hadlaya iyo jarjarid.


”Waxa ugu dambeyn la daartey muusig si dhegaha ayna u gelin dhawaqa mishiinkii lagu jarjaray Jamaal Khashowqi ayaa lagu xaqiijay warbixintan cusub.

Gacanku dhiigle Salmaan ayaa ilaa hadda diidan inuu keeno meydka Jamaal Khashowqi si qoyskiisu ugu quustaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.