X

Banaanbixii ka dhacay Awdal oo walaac ku abuuray qorshaha Ingiriiska

Reer Awdal ayaa maanta muujiyay arin ka yaabisay qorshaha weyn ee Ingiriisku ka lahaa gobolada Waqooyi gaar ahaan Hargeysa iyo Burco. Dhawaan ayay ahayd markii Xasan Culusow oo fulinaya amarka Ingiriiska uu kulan aan Soomaalidu raali ka ahayn kula qaaatay dhiigyacab Muuse Biixi magaalada Jabuuti.



Ujeedada kulankaas ayaa ahaa in hogga laga soo saaro maamulka ay dabada ku wataan oo dhirbaaxo xun ay kaga soo dhacday gobolka Sool halkaas oo reer Khaatumo ay ka reebteen dhamaan hub wixii ay haysteen, meydkoodana waraabaha u dhigeen.

”Si markaasi loo yiraa welli way jirtaa, ayaa Xasan Culusow halkii uu ka tegi lahaa Laascaanood, wuxuu isku qaaday Jabuuti oo beryo dhexdaas ay ka socotay wax fashilmay oo loo bixiyay Iririsam.



Banaanbaxa Boorama

Banaanbaxa maanta ka dhacay Awdal wuxuu xididada u siibayaa qorshaha Ingiriisku wato ee ah in goosadkii welli jiro, Awdalna ay hormood ka tahay, wayse la waayeen maadaama reer Awdal ay sheegeen inay gaal u adeegayn, ha ahaado mid cad ama mid madow ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.