X

Kooxda Xalane oo walaacii ugu weynaa soo wajahay

Sideed cisho ayaa bishani dhaaftaey waxayna shacabka Soomaaliyeed u ahayd sideed casho oo hadii dhiig laga saro aan laga helayn. Shacabka Soomaaliyeed min Lawyacado ilaa Raaskambooni waxay ka midaysan yihiin in Itoobiya ayna cabta soo saarin taako ka mida dhulka Soomaaliyeed. Waxa arintaas xataa ay ka cadhaysiisay shacabka magacooda la tuugsi tagay ee Awdal iyo Togdheer.



Haddaba isku duubnaantan shacabka Soomaaliyeed muddo laba sano kadib intii Xasan Sheekh kursiga ay ku soo celiyeen kooxda Xalane, ayagoo ka fiirsanaya dantooda, oo ay ku jirto inuu afka u furo kooxda gooni goosadka, dib u dhigo ka bixitaanka ciidanka Afrikaanka ah, ay saldhig ka helaan dekedda Berbera Maraykanka iyo xulafadiisa, dadka Soomaaliyeed oo lagu xasuuqo diyaaradaha Maraykanka iyo inuu xaqiijiyo dastuur dhoodhoobka gaaladu noo qoreen inuu u dhamaystiro.



Intaas oo dhan hakad ayay ku jiraan, tana waxay walaac xun ku abuuraysaa kooxda Xalane oo ku nool dhiiga shacabka Soomaaliyeed, guntigana u xiratey sidii ay ugala dagaalami lahayd dawlad uu hogaamiyo waxgarad.



Su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah intee in leeg ayay socon kartaa isku duubnaantan shacabka Soomaaliyeed hadda ku jiraan. Waa su’aal jawaabteeda fududahay waxayna ku xiran tahay wadada uu qaado Xasan Sheekh iyo sida uu horumar uga gaaro inuu dalka mideeyo qaasatan uu gacanta ugu dhigi lahaa Awdal.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.