X

Bangaladheesh oo araajida guurka ka reebtay hal eray oo caan ahaa

Dalkaasi Muslimka ah ee Bangaladheesh ayay caan ahayd in araajida guurka lagu qoro erayada garoob, ninkeeda ayaa dhintey iyo waa Bikro. Hadaba maxkamad ku Taal dalkaasi ayaa ugu dambeyn Ka saartey ergayga Bikro.


Gabadha Bangaladheesh maanta laga bilaabo Lama ceebayn karoayay yiri haween muddo sanado ah ku doodi jirey in erayada ceebaynta laga saaro araajida dawlada.


Waa wadan dhaqankiisa uu yahay in gabdhaha yaraan lagu guursado sida markey helaan dhiiga caadada taas oo aad looga qayliyay in la joojiyo.

Araajida ayaa hadda lagu qori doonaa in lamaanuhu hore u so guursadeen ama hadda xaas leeyahay iyo inay garoob tahay.


Muddo ayaan ku guuriyay dad farabadan halkan maanta laga bilaabo la I weydiin maayo in gabadhu Bikro tahay iyo in kale ayuu yiri isagu u qaabilsan araajida guurka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.