X

Masuul Ka tirsan gobolka Banaadir oo xabsiga la dhigey xilli shir ku jirey

Waxa xabsiga loo taxaabay masuul Ka tirsan gobolka Banaadir oo shir ku jirey. Ciidanka amniga ayaa Nuur Axmed Cali oo ahaa agaasime ku xigeen ay Ka qabteen Isla xarunta xilli uu shir kula jirey gudoomiye ku xigeenka gobolka.


Nuur Axmed ayaa ahaa agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha ee gobolka. Waxa lala xiriirinaayaa qaraxii ay ku shahiideen dad uu ku jiro gudoomiyihii gobolka C/raxmaan Yariisow.


Waxa ciidanku Kala baxeen goobta shirka agaasimaha iyo haweenay ayuu yiri goobjooge. Waxa loo kaxaystey xarunta dembiyada si loo baaro. Waxa welli socda baaritaan gunta lagu soo taabanayo sida argagixisada ay ugu fududaatey inay qarxiyaan goob amnigeeda adkaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.