November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Bangiga aduunka oo ka hadley kobaca ku yimi dhaqaalaha Somaliya: WARBIXIN

Warbixin ay soo saartey bangiga aduunka ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha Somaliya kor u kacay min Saylac ilaa Raskambooni. Inkastoo kharashka lagu xisaabtamaa uu yar yahay haddana waxa kordhey dhinaca wax haysashada.



Maadaama dalka ka soo kabtey abaaro ku dhuftey ayaa bangigu saadaaliyay in ay keenayso in dhaqaalaha dalku sare u kaco. Saadaasha sare u kaca ee saddexda illaa shanta sano ee socota ayaa ku xidhnaan doonta sida dalka uu awood ugu yeesho joogteynta is-beddelada dhaqaale ee socda. Taas oo lagu amaanayo dawlada.



Dakhliga ka soo xarooda canshuurta ay ururiso dawladda Soomaaliya ayaa sanaddii tagtay sare u kacay 29%, kadib markii dowladda ay is-beddelo ku sameysay siyaasaddeeda canshuuraha.

Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa bishii May sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu ku taagan yahay waddadii saxda, hase yeeshee waxa uu ka digay inuu u baylahan yahay amni-darrada, is-beddelka cimilada iyo saboolnimada.



Bangiga oo lagu yaqaano inuu saadaalo xun ka bixiyo dalalka aan raacin wadadiisa ayaa dawlada ku amaanaya wadada ay ku socoto oo ah tan ay rabaan taas oo keeni karta in dalku weligiiba fiqiir ahaado.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS