X

Dalalka Jabuuti iyo Eriteriya oo gaaray heshiis hordhaca

Dalalka Jabuuti iyo Eriteriya ayaa gaaray heshiis hordhaca. Heshiiskan ayaa imaanaya markii raiisal wasaaraha Itoobiya Cabdi Axmed uu Eriteriya ka soo saaray hog uu ku ridey Milas Sanaawigii bakhtiyay.


Dawladaha Itoobiya iyo Somaliyua ayaa iyaguna akey in aan indhaha laga qabsan karin arinta Jabuuti iyo Eriteriya haddii la rabo in geesku yeesho siyaasad wada noolasho ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Itoobiya oo ka mid ahaa Wafdigii Shalay gaaray Jabuuti ayaa sheegay inay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdaan iyo isu soo dhawaashaha Labada Dowladood.


“Ka dib markii muddo dheer ay kala maqnaayeen, Eriteriya iyo Jibouti waxay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda waana talaabbo fiican” , ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya Workneh Gebeyehu

Wasiirka arimaha dibedda Eriteriya ayaa isna sheegay in madaxweynaha Jabuuti uu diyaar u yahay in xal laga gaaro muranka Dumeera.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.