Dhawaan ayaa maamul jufeedyada iyo madaxweyne Farmaajo isla garteen in la qabto doorasho la mida tii 2016 oo ah mid aad u musuq badan. Waxase is af-garadka gaadhey qaar ka mida maamul jufeedyada halka beelaha qaarna aan la matalin kulanka.
Haddaba xildibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in is af-garadkaas welli loo soo gudbin golaha shacabka oo matala dadka si ay codkooda uga dhiibtaan. ”Hala soo gudbiyo wixii la isla gartey si xalaal looga dhigo ayuu yiri xildhibaan saluugsan heshiiskaas koox gaara loo saaray.
Maamul jufeedyada qaar ayaa muujiyay sidey u diidan yihiin in heshiiskaas loo gudbiyo barlamaanka ee sidiisa lagu qaato, taas oo ka hor imaanaysa sharciyada yaala, noqonaysana afduub.
Si kastaba ha ahaatee waxa aad loo diidey go’aano ay ku lug leeyihiin Imaaraadka iyo Kiiniya iyo talada doorashada qaar oo gacanta ay isku geliyeen maamul jufeedyada. ”Waa doorasho musuqa oo lacago badan la is dhaafsan doono ayuu yiri Cali Calasow.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS