Muqdisho 20 Dec 2014–Barre Hiiraale oo hogaamiya ururka Jubooyinka ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo hadalka Xasan Sheekh uu ku aqoonsaday in Axmed Madoobe yahay madaxweynaha Jubba. Barre ayaa sheegay in madaxweyne uuna magacaabi Karin madaxweyne kale.
“Waa arrin qaldan oo runtii aad iyo aad loogu xadgudubtay barnaamijkii socday ee dib u heshiisiinta iyo nabada looga rabay goboladaas, dariiqii ay wax ku socdeen Madaxweynaha ayaa ka leexday Dastuurkana ayuu ku xadgudbay ayuu yiri Barre Hiiraale.
Xasan Sheekh ayaa isagu u muuqda in aanu cidna la tashan ee isaga dhawaaqayo wuxuu kolba jecelyahay iyo cida markaasi haysa siyaasadiisa inuu u fidiyo taageero si uu u badbaado.
“Madaxweynaha dastuur iyo nidaam ayuu ku yimaadaa, ee Madaxweyne Madaxweyne ma magacaabi karo, xaqna uma lahan inuu taas yiraahdo, dad baa meesha degan, saddex gobol weeye in u dib u heshiisiin la isku tago, nidaam iyo maamul la sameeyo, cida dadka ay doortaan ayaa hogaamiye u ah”ayuu yiri Col. Barre Hiiraale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS