X

Barsaloona oo eryanaysa sadex koob oo qaaday koobka naadiyada dalkooda

Koobka Barsaloona ee dalkaasi Isbayn ee eryanaysa sadexda koob ayaa gurigooda ku garaacdey kooxda Lavente halkaana ku qaaday koobkii 26 -naad ee naadiyada dalkooda. Ciyaarta qaybtii hore ayaa ku dhamaatey 0-0 waxana qaybtii dambe soo galay ciyaaryahana Messi oo xaqiijay guusha Barsaloona.


Barsaloona ayaa welli u harsan tahay sadex ciyaarood mana sugeyso maadaama ay guulaysatey habeen hore. Koobka ciyaaraha naadiyada Yurub ee ay isagana eryanayso ayay Arbacada la ciyaari doontaa kooxda Ingiriiska ee doorkan kulul ee Liverpool.


Liverpool oo uu tababaro nin Jarmala inta badana ay u ciyaaraan ciyaaryahano badan oo ajaaniba ayaa si lama filaana ku timi is reeb reebka Koobka naadiyada Yurub.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.