X

Garab loo malaynayo in uu yahay diyaaradii la waayay ee Malaysia oo laga helay jasiirad u dhow geeska Afrika

Khuurada wax baadha ee dalkaasi Malaysiya ayaa ku socda garab loo malaynayo in uu yahay diyaaradii la waayay sanad iyo badh kahor ee MH370 oo ilaa hadda aan laga hadhin raadcadeeda. Garabka diyaaradeed ayaa laga helay oo ku soo caaryay jasiirad Faransiisku xukumo oo ku taala badweynta Hindiya loogu magac daray. Garabka ayaa khuburada Maraykanku leeyihiin wuxuu u dhow yahay diyaradii la waayay.

Malaysiya ayaa ka digtey in garabkan diyaaradeed uu noqdo bug waxana la filayaa in khuburadu ay soo gaadheen jasiiradaas oo u dhow dalka badda ku dhexyaala ee Madagaskar.

Diyaaradan ayaa waxa la socdey 239 qof ilaa hadda lama hayo wax raqa oo laga yaabo in haddii kani noqdo ay fududeyso in la helo halka ay ku dhacdey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.