X

Baydhabo oo lagu toogtey rag kufsi lagu helay

Masuuliyiinta maamulka Koofur galbeed ayaa xaqiijay toogashada laba nin oo lagu helay kufsi. Waxa burburka kadib soo batey gabdhaha la kufsado laakiin tani way ka duwanayd oo waxay kufsadeen wiil dhalinyaro ah.  Talaabadan ayaa loo arkey mid dhinaca cadaalada loo qaaday ayuu yiri Cali Calasow.



Raggan kufsiga gaystay ayaa dhawaan la soo qabtey kadibna waxa ay qirteen inay kufsi ku kaceen. Ragaas ayaa isla maanta la mariyay abaalkooda tan oo fariin u direysa kuwa kale ee ku kacaya falkan wuxuushnimada ah.



Waxa dalka ka jira kiisas foolxun oo ah gabadh ay kufsanayan koox taas oo ah wax aan ka dhici jirin dalka burburka kahor. Haddana waxaba ku biirey wiilasha dhalinyarada ayuu raaciyay Cali Calasow.

Xaqiijin kadib waxaa loogu xukumey dil toogasho, maanta ayaana lagu fuliyey, Alxamdulilaah. “ Ayuu yidhi Masuul u hadlay maamulka K/Galbeed.

Sawirada hoose waa dhalinyarada la marsiiyay cadaalada

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.