X

Bayloodadii seexday ee waday diyaaradii Itoobiya oo la shaaciyay

Itoobiya ayaa shaacisay wadamada ay ka soo jeedaan laba baylood oo seexday xilli ay ahayd inay diyaaradu ku degto garoonka caalamiga ah ee magaalada Addis ababa bishii hore ee sideedaad. Diyaarada Itoobiya ayaa safar dheer uga timi wadanka Ruwaanda ayadoo fadhiisatey Suudaan.



Labadan baylood ee seexday ayaa diyaarada geliyay nidaamka loo yaqaan is-wadka halkaas oo bayloodku aanu wax shaqo ah ku lahayn wadista diyaarada. Waxana inta badan la isticmaalaa xilliga ay socoto cir saafiya oo ayna jirin daruuro iyo diyaarado kale oo hawada ku Jira.

Shirkada diyaaradaha ee Itoobiya ayaa labada baylood ku sheegtay nin ka soo jeeda dalkaasi Koofurta Amerika ee Boliifiya iyo nin u dhashay dalkaasi Nayjeeriya oo ka qalanjebiyay shirkada.



Shirkada diyaaradaha ee Itoobiya oo leh ugu yaraan 120 diyaaradood iyo 2800 baylood ayaa inta badan bayloodada ka soo xulata wadamada adduunka oo ay ku jirto Nayjeeriya. Bayloodka Nayjeerigsa oo shaqada laga eryi doono ayaa waraysi ku qirtey inuu seexday maadaama uu seexday oo keliya 4 ilaa 5 saacadood kahor inta aanu shaqada soo gelin halka duulista diyaaraduna ahayd 15 saacadood.

Maxamed Yousuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.