X

Maraykanka iyo Yurub oo ay cabsi gelisay hadal ka soo yeeray Buutin

Madaxweynaha Ruushka Faladhimeer Buutin ayaa wacad ku amray inuu dhulka la simi doono Maraykan iyo Yurubta raacsan haddii lagu soo xadgudbo ama halis la geliyo dalkiisa. Reer Galbeedka uu Maraykanku horkacayo ayaa maal iyo hub waxay lahaayeen isugu geeyay sidii ay Ruushka u burburin lahaayeen.



”Ma kaftamayno ciyaarna nagam ah ayuu raaciyay madaxweyne Falaadhimeer Buutin oo toos fariintan ugu direy Maraykanka.

Inkastoo cunaqabataynta ay saareen Ruushka ay iyaga dib ugu noqotey kana qaadeen dhaqaale burbur xoogan oo muddo socon doona, haddana Ruushka o keligii ah ayaa wajahaya ciidamo calooshood u shaqaystayaala iyo khiyaamooyin badan dhinaca dagaalka Yukrayn.



”Tusaale ahaan waxa u dambeeyay magaalooyin uu Ruushku ka soo baxay usbuucii hore oo ku yaala bariga Yukrayn halkaas oo ayna uga soo bixin dagaal toosa laakiin ay uga soo baxeen khiyaamo.

Khiyaamadaas waxa ka dambeeyay sirdoonka Maraykanka oo ay weheliyaan kuwa reer galbeedka oo iskaashanaya oo gudaha ugu jira Yukrayn. Shiinaha ayaa ka carooday waxa goobtaas ka dhacay.


Maraykanka oo ka jawaabay arintan ayaa sheegay inayna jirin hadda halis nooga imaanaysa Ruushka laakiin sheegay inay fariintaan u qaateen sidey tahay.

Reer galbeedka yaa balaayiin doolar ku bixinaya sidii Ruushka loo jabin lahaa ilaa haddase waa ku guuldaraysteen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.