X

Ruushka oo dhalashada dalkiisa u fududaynaya dagaalyahanada u yimaada

Dagaalyahanada u dagaalama Ruushka ee ka yimaada wadamada taageersan ayaa Ruushku sheegay inayn ku adkayn doonin qaadashada dhalashada dalkaasi. Ruushka aya talaabadan qaaday ayadoo reer galbeedku dagaalka Yukrayn u qorteen calooshood u shaqaystayaal qaarkood ka soo jeedaan Afrika.


”Qofkii la qoro ciidanka dalkaasi Ruushka ee la jooga ugu yaraan hal sanno wuxuu toos u helayaa dhalashada dalkaasi ayaa sharci ahaan lagu soo saaray maanta. Taas oo ka dhigan in sharciga lala simay sida fudud ee ay dhalashada u qaataan dadka ka soo jeeda dalkii la isku oran jiray midowga Soofeeti.



Sharcigan cusub oo welli dalbanaya inuu ku hadli karo luqada Ruushka ayaa waxa saxiixi doona madaxweyne Faladhimeer Buutin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.