X

Biyo mareenka mashquulka ah ee Suweys oo markab weyni xidhey

Biyo mareenka mashquulka ah ee Suweys ee dalkaasi Masar ayaa waxa xidheye markab weyn oo ay ka buuxaan badeeco saaida. Markabkan weyn ee lagu magacaabo Evergreen ayaa ilaa hadda laga jiidi kari la’yahay biyo mareenkan muhiimka ah.


Masar ayaa ku nool biyo mareenkan caalamiga ah oo maalintiin=ba maraan boqolaal markab oo isaga kala goosha badda iyo bada u dhaxaysa Carabta iyo Yurub. Masar ma awoodo in biyo xireenka sii xirnaado.

Inkastoo Masar balaaadhisay biyo xireenkan oo u samaysay laba wado oo la isku dhaafi karo haddana markabkan oo lagu tilmaamo kuwa ugu weyn aduunka ayaa xidhey albaabka lagu isku dhaafayo, waxana uu ku dhow yahay inuu dhaco.


Masaarida ayaa isku dayay inay ciida hoostiisa ka qaadaan ilaa haddana kuma guulaysan waxayna u egtahay inay u baahan doonto caawimo dheeraada oo aduunka uga timaada.

Markabkan oo ka diiwaan gashan Banama ayaa u soo gudbayay dginaca badda cas. Waxa durbaba saf ku jira maraakiibta kale ee u kala gudbeysa labada dhinac.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.