X

Uhuru oo isleh Somaliya ku dhib qaxootiga Somalida ee degan Kiiniya

An aerial view shows an extension of the Ifo camp, one of the several refugee settlements in Dadaab, Garissa County, northeastern Kenya, October 7, 2013. REUTERS/Siegfried Modola (KENYA - Tags: SOCIETY IMMIGRATION POLITICS) - RTX142R5

Kiiniya ayaa weydiisatey hay’ada qaxootiga ee qaramada midoobey inay muddo laba usbuuca ku keento qorshe lagu xirayo xerooyinka ay ku jiraan qaxootiga Somalida ee Dhadhaab iyo Kakuuma. Maaha markii ugu horeysay ee Kiiniya dalbatey in la xiro.


Sanadii 2016 ayay ahayd markii ay sheegtay inay haysato culeys uga imanaya dhinaca amniga ayna rabto in la raro qaxootiga Somalida ah, waxyar kadibna waxay soo gashay dalka ayadoo ujeedadu ahayd inay xalaashato badeena.

Haddaba xilli ay qayb ka tahay doorasho la’aanta dalka ka taagan ayna jiraana abaaro ka jira Koofurta dalka iyo weliba Woqooyiga waxay is tiri qaskale ku sii abuur Somaliya qaxootigana ku soo fasax ayuu yiri Cali Calasow.


Mase oga in Somaliya isku filantahay oo ay qaadan karto qaxootigeeda ayuu raaciyay Cali Calasow. Uhuru ayaa beeniyay in hadalkan dambe uu la xiriiro xiriirka go’an ee labada dal asagoo ka niyad jabsan inuu yimaado hogaamiyo cusub oo u niikiya Kiiniya.

Si kastaba ha ahaatee hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ayaanba rabin in la raro qaxootiga waayo waxay ku qabaan oo ku jaqaan malaayiin doolar. Kiiniyana qasab kuma keeni karto qqxootiga xuduud beenaadka dhinaca kale ayadoo rasaas ku furto mooyee.


Qaxootigan Somalida ayaa intooda badan hadda ku hadla afka sawaaxiliga waxna ka aqoon dalkooda hooyo ee dihin. Dawlada Somaliya ayaan jawaab ka bixin hadalka ka soo yeeray Kiiniya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.