X

Tirakoob lagu ogaaday in dhalinta Ruushka diinta Islaamku aad u soo jiidatey

Ruushka ayaa waxa lagu tirin jirey marka la eego gaalada kale dad ku adag diinta masiixiga oo aan ogolaan khaniiska in lagu dhex arko bulshada. Haddase weerar maskax bedel oo uga yimi gaalada reer Galbeedka ayaa uga dhigeysa khaniiska iyo ninow naaga wax caadi ah, ayadoo lagu soo gabanayo sheekada xoriyada iyo dimoqraadiga.


Waxa kale oo ku soo batey sida gaalada kale kuwa bilaa diinta noqonaya ee cawaanka ah. ”Waxa sii yaraanaya dadkii oran jirey waxaan haysanaa diinta masiixiga halka diinta Islaamku aad u sii kordhayso oo dhalintu ku qulqulayso.


Haddaba qulqulka maxaa keenaya

”Waxa aad u kordhaya dadka qaadanaya diinta Islamka qaasatan dhalinta jirta 25 ilaa 35. Diinta Islaamka ayaa leh rukumo adag oo aad u soo jiitey dhalinta ayuu yiri khabiir Ruusha.

”Waxa ku raali gelinaya su’aal kasta oo aad qabto waxa loo hayaa jawaab markaa qofkii waa ku qancayaa niyadana waa u degaysaa, qalbigana amni ayuu ka helayaa halka diimaha kale ayna hal su’aal kaaga jawaabi akrin ayuu raaciyay khabiirka Ruushka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.