Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Biyo yaraanta wabiga Shabeele ma roob yaraanbaa mise waxa Jira biyo xireeno badan

Wasiirka arrimaha dibadda Soomalaiya Cabdusalam Hadliye Cumar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka walwalsan tahay biyo la’aanta webi Shabeelle iyo saameynta ka dhalatay arrinkaas isagoo ballanqaaday in xukuumadda uu wasiirka arrimaha dibadda ka yahay ay baareyso in biyo la’aanta Webi Shabeelle ay ku timid roobab yari ama sabab kale.

Ballanqaadka Cabdusalam Hadliye ayaa yimid kadib markii isaga oo la hadalaya idaacadda goobjoog ee Muqdisho wax laga weydiiyey saameynta biyo xireennada Webi Shabeelle ee Itoobiya ay ku leedahay biyo la’aanta Webiga, innagoo arrintaas biyo xireennada sidoo kale wax ka weydiinay mas’uuliyiin Soomaaliya iyo Itoobiyaan ah.

Mas’uul Itoobiyaan ah oo horay Xildhibaan uga ahaa maamulkii Mengistu Haile Mariam ayaa ku warramay biyo xireennada ay Itoobiya ka sameysay Webiga Shabeelle.

Mas’uulkan oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay in uu ka mid ahaa wafti Xildhibaano ah oo tagay 1980-kii(1971-dii Taariikhda Xabashida) dhulka Oromada oo ah dhulka uu ka soo baxo Webiga Shabeelle, xildhibaanka waxaa uu goobjoog ka ahaa dhismaha mashruuca Meka Wakena oo ahaa mashruuc ay dowladdii loo yaqaanay darbiga ee Mengistu Haile Mariam u sameysay in ay koronto uga dhaliso biyaha Webi Shabeelle, korontadaas oo awoodeeda xitaa la sheegay in laga isticmaalayo waddamada dariska ah sida Soomaaliya.

Mas’uulka waxaa uu sidoo kale sheegay in markaasi loo sheegay in webiga lix bil uu xirnaanayo si biyaha loo keydiyo kadibna la sii deyn doono, mashruucaas kama wada hadlin dowladahii xiligaas ka jiray labada dhinac ee Mengistu Haile Mariam iyo Maxamed Siyaad Barre, biyo xireenkan waxaa fuliyeen shirkado laga lahaa dalka Ruushka oo cadawtinnimo ay ka dhaxeysay Soomaaliya.

Xildhibaankan Itoobiyaanka ah waxaa sidoo kale ka hadlay mashruuc kale uu fuliyay Melez Zenawi kaasi oo loogu talagay in ay ka faa’iideystaan dadka ku nool meel degmada Godey u jirta ilaa 35 KM ama dadka ugu yeeraan Mashruuca biyo xireenka ama waraabka Galbeedka Godey.

Mashruucan waa kii ugu horeeyay ee loo sameeyo Soomaalida ku nool dalka Itoobiya, waxaa mashruucan ujeedadiisu tahay in beeraleyda Soomaalida ka faa’iideystaan, waxaa ku han weynaa ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Melez Zenawi isaga ayaa lacag badan ku bixiyay laakiin waxaa la dhameystiray xukuumadda hadda jirta.

Webiga Shabeelle waxaa uu maraa deegaano badan oo Soomaali galbeed ah sida Raafo, Godey, Qalaafo, Mustaxuiil, Feerfeer iyo meelo kale, Kanaalo la jeexay iyo dhul beereed cusub oo laga sameeyay Godey ayaa keenay in qeyb ka mid ah webiga shabeello la leexiyo, waa biyo xireenkii labaad ee webi Shabeelle ee laga sameeyo gudaha Itoobiya, mashruucan dambe waxaa uu socday 5-tii sano ee la soo dhaafay, waxaa la yaab leh in aysan ka hadlin xukuumadihii Soomaaliya ee xilliyadaas sidaCabdulahi Yusuf, Sheekh Sharif iyo Xasan Sheekh Maxamud.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka hadlay biyo yareynta wabiga Shabelle, isaga oo sheegay in dhibaato badan ay la kulmeen shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

Dabageed ayaa sheegay in ay maqleen oo kaliya warar aan la hubin oo ah in Itoobiya ay sameysay biyo xireenno, balse waxa uu tilmaamay hadii ay taasi jirto in looga baahan yahay dowladda Federaalka inay arrinkaasi wax ka qabato.

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo saameynta biyo xireennada Itoobiya ku leeyihiin biyo la’aanta webi Shabeelle, isagoo sheegay in baarlamaanka federaalka uu sameyn doono baaritaan la mid ah midkii ay ku sameeyeen darbigii la sheegay in Kenya ay ka dhiseyso gudaha Soomaaliya kadibna ay hadli doonaan.

Abuukaate Ciise oo ka tirsan xeer yaqaanada dalka waxaa sheegay in dal kasta uu u madaxbanaan yahay fulinta mashaariic uu ku hormarinayo umaddiisa lakin sida uu qabo xeerka caalamiga ah waa in tilaabadaas aanay wax dhib u keeneyn dowlad ama ummad kale.

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka Cabdulahi Maxamed Jimcaale waxaa uu sheegay in abaartan oo kale ay horay dalka uga dhacday 74/75 iyadoo la yaqaano’Abaartii Dabo-Dheer”, isagoo aad u walwalsan saameynta biyo la’aanta ayaa waxaa intaa ku daray in dalkan sidoo kale dadka u dhintaan biyo la’aan iyo biyo badni.

Gunaanad:

Warbixintan ama baaritaanka aynu sameynay ee la xiriira saameynta biyo xireennada Itoobiya waxaa ka soo baxday 3 arrin oo muhiim ah:

In ay jirto 2 biyo xireen oo dowladda Itoobiya ay ku sameysay Webi Shabeelle oo kala mashruuca Melka Wakena iyo mashruuca waraabka galbeedka Godey.

In Dowladdii Soomaaliya ay markii ugu horeysay ballanqaaday baaritaan la xiriira biyo yaraanta dalka, iyadoo raadin doonta in biyo la’aanta ku timid roobab yari ama sabab kale.

In loo baahan yahay in Soomaaliya kala hadasho Itoobiya arrinta biyaha sida ay sameeyeen dalalka Suudaan, Masar iyo Kenya haddii kale waxaa hubaal ah in dagaal xiga ee Soomaaliya iyo Xabashida uu noqon doono mid ku saabsan biyaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...