X

Shiinaha oo digniin u direy kooxo Ingiriisku maalgeliyo oo Honkoog qasaya

Dawlada Shiinaha ayaa u digtey kooxo reer galbeedku wato oo raba in jasiirada la soo geliyo sharciyada khaniiska ee Ku hoos jira waxa ay ugu yeeraan dimoqraadi. Kooxahan oo banaanbaxyo uu maalgelinayo Ingiriisku kawaday jasiirada maalmahan ayaa sheegtay inay Ku guulaysteen doorashada degmooyonka.


Guushaas ayaan wax macno ah samaynayn  maadaama ayna ka dhignayn inay gaareen guusha xukunka gobolka.

Shiinaha ayaan faragelin mudadii kooxaha wata sharci khaniiska oo xataa booliiska Ku weeraray bastoolado iyo midiyo.


Wasiirka arimaha gudaha Shiinaha oo aad uga caraysan kooxahan Ingiriiska iyo Maraykanku wataan ayaa sheegay in gobolku Ka mid yahay Shiinaha isla markaana cidi Ku soo dhawaan Karin.


Jasiirada Honkoog ayaa Ingiriisku dib uga kireystay Shiinaha,  kiradaas oo dhamaatey sanadkii 1997. Gobolka oo Ingiriisku soo aruuriyay mudadii uu kirada ugu jirey Hindidii uu shaqayn jirtey iyo wadamadii kale ayaa ah meel naqasku kugu dhegayo ciriiri awgeed.

Shiinaha ayaa hadduu u dhawaaqo kooxahaas wata sharci khaniiska daaqada uga saari kara daqiiqad.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.